Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi.
Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoo ugu dambeyn si wanaagsan la isugu afgartay.
TRENDING
- New Defense Hub Launched in Mogadishu
- Bodies Found Following Battle in Central Somalia
- Somalia Recalls Envoys in Kenya–Tanzania Over DRC Visit Row
- Qatar oo Mareykanka kala hadashay Hanjabaada Israa’iil
- Kooriyada Waqooyi oo joogteysay dilalka dadka daawada Aflaanta Shisheeye
- KONGO: baadigoob loogu jiro dad doomo ay la qarqoomeen
- Kenya oo ciidamo hor leh geysay Mandheera
- Mareykanka oo duqeyn ka fuliyey buuraha Cal-miskaad