Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.
Saddexda mashruuc ee maanta la daah-furay oo kala ah; XALDOON, NEGAAD iyo SEPOW, ayaa looga golleeyahay in wax looga qabto saameynta uu isbeddelka cimilladu ku yeeshay baracayaasha ku nool Soomaaliya, La-qabsiga Isbeddelka Cimillada  iyo Xalka waara ee dadka ku dhaqan Dooxada Wabiga Shabeelle ee uu saameeyay barakaca iyo xoojinta ka qeyb-qaadashada Horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Dumarka Jubaland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey hey’adaha iyo dowladaha mashaariicdani ka taageeraya Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee El-nino.
Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo barmaanijyada xalka waara u noqon kara dhibaatooyinka soo noq-noqda ee dalkeenna saameeya.
Munaasabadda daah-furka mashariicda, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa  Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Wasiirro ka socday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Danjiraha Midowga Yurub iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya.
	TRENDING
	
				- Qormo: Dhulboobka Muqdisho iyo tacadiyada loo geysanyo rayidka
 - Ruushka oo dhaq-dhaqaaqyo xoogan uga jawaabay caddaadisa dhaqaalle ee uga imanaya Yurub
 - Ruushka iyo Venezuela oo heshiis iskaashi kala saxiixday
 - Xaaladda guud ee siyaasadda Gaza iyo Israa’ii oo weli fulineysa duqeymo
 - Khasaare xoogan oo ka dhashay dagaallada ka socda Waqooyiga gobolka Darfur ee Sudan
 - Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo lagu arkay xeebaha Venezuela
 - Duqeymaha ay diyaaradaha shisheeye ka fuliyaan Soomaaliya oo waxyeelo badan gaarsiiyey rayid
 - Canbaareynta ONLF ee Xarig jarka Mashruuca Gaaska Dabiiciga ah dagaal cusub ma horseedi kartaa?
 

