Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo dhawaan ka hor hadlayey maamulka gobolka Banaadir, ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay culeyska ay shacabka ku qabaan jidadka xiran.
Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in ay soo gaartay cabashada dadka rayidka ah, wuxuuna maamulka gobolka usoo jeediyey in qorshe deg deg ah laga yeesho dhagxaanta ku go’an wadooyinka Muqdisho.
Xamse Cabdi Barre ayaa cod dheer ku sheegay in xirnaanshaha wadooyinkan ay culeys weyn ku qabaan dadka rayidka ah, maaddaama ay yihiin kuwo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Hadalka Ra’iisul wasaaraha iyo qorshaha ku aaddan qaadista dhagxaanta ku go’an wadooyinka qaarkood, ayaa imaaneysa xilli cabsi weyn laga qabo weeraro ka yimaada dhanka Al Shabaab.
Isniintii oo ugu danbeysay waxaa ilinka hore ee kuliyadda Jaalle Siyaad isku qarxiyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, taas oo bidhaamineysa in ay weli jirto khatartii dhanka amniga ee qasabtay in la xiro wadooyinka.