Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnaan Najib Mikati oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaallada ka socda Bariga Dhexe uu dhaafay xeerka lagu xakameyn karo, waxaana uu tilmaamay in xaaladdu haatan ay u xuubsiibaneyso in uu xeendaabka ka gudbo.
Dadkiisa ayuu sheegay in ay Israa’iil dhibaato xooggan u geysatay, Qaramada Midoobay ayuu ku wargeliyay in ay faragelin sameyeyso haddii kale Dowladdiisa ay qaadeyso tallaab ka dhan ah Maamulka Yuhuudda sida uu yiri.
Sababta uu Qaramada Midoobay ugu yeeray waxa uu ku faah-faahiyay in loo baahan yahay in saldhigo dibna loosoo celliyo qaraarkii lagu xakameeyay dagaalkii cuslaa ee sanadkii 2006dii dhacay oo kan maanta uu ka culus yahay.
Waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan haddii aanay Beesha Caalamka Israa’iil ku qasbin xabbad-joojin degdeg ah oo bilaa shuruud ah in dagaalka uu kasii cuslaanayo heerka maanta uu gaarsiisan yahay sida uu hadalka u dhigay.
Lubnaan waxaa duqeymo xooggan ka fuliesay Israa’iil, halka Xisbullaah qudheeda ay sameysay iska caabbin xooggan iyada oo beegsatay saldhigyada hubka halista badan Yuhuudda ay dhigato ee ku yaalla dhulka ay xoogga ku heysato.