Dowladda Ruushka ayaa bilaha soo socda dalal Afrika ku yaalla oo ay Soomaaliya ka mid tahay soo gaarsiin doona shixnado qamadi ah.
Hadalkan waxaa ka dhawaajiyey Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, xilli uu ka hadlay shir ay yeesheen Ruushka iyo madaxda dalalka Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada St. Petersburg.
Putin ayaa carabka ku dhuftay in dalalka, Somalia, Eritrea, Mali, Burkina Faso iyo Afrikada Dhexe, ay ugu tabaruci doonaan qamadi gaaraya 25,000 ilaa 50,000 oo Tan.
Wuxuu intaasi ku daray Putin, in Ruushka uu bixin doono qarashaadka maraakiibta soo daabulaya qamadigaasi.
Shirkan iyo ballanqaadka Puntin ayaa muujinaya sida dalalka caalamka ay ugu tartamayaan qaarada madow, taas oo waqtigan si aad ah ay u daneynayaan dalalka caalamka ugu horumarsan.