Roobabka culus ee ka curtay gudaha dalka ayaa xilligan cagta mariyey dalagyo kala duwan oo beero ah, taas oo walaac ku abuurtay beeraleyda.
Beeraleyda ayaa sheegaya in biyaha ay ka sara mareen dalagyadii sanadkan u soo go’i lahaa, waxeyna cabsi ka muujiyeen in sanadkan uu hoos u dhaco dalagyadii ka soo go’i jiray beeraha dalka.
Dadkan beeraleyda ah, ayaa sheegaya in sidoo kale ay adkaatay in dalagii ay gureen ay soo gaarsiiyaan gudaha Muqdisho, sababo la xiriira biyaha oo jaray marinadii la isticmaali jiray.
Walaacan ay muujinayaan beeraleyda ayaa saameyn culus ku yeelan kara nolosha Soomaali aad u fara badan, kuwaas oo ku nool dalagyada dalka ka soo go’a.