Roobab xoogan oo wata daadad ayaa maanta ka da’ay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxeyna geysteen khasaare kala duwan.
Roobabka ayaa xanibay isku socodka suuqa weyn ee Bakaaraha ilaa agagaarka wadada dabka, waxaana cabasho xoogan muujinaya ganacsatada Suuqa.
Gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo wadooyinka soo gala ayey biyuhu buux dhaafiyeen, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalo muujinaya xaaladda cakiran ee ay roobabku sababeen.
Roobabkan oo watay daadad xoogan, ayaa horey u qaatay tiro mootooyin Bajaaj ah, kuwaas oo ku rideen godod uu roobku ka qoday wadooyinkaasi hareerahooda.
Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana bajaajlayaal lana soo xariiray ay muujinayeen wal wal aad u fara badan, kadib markii mootooyinkooda ay biyuhu qaadeen.