Liz Truss
Xoghayaha Arimaha Dibada ee UK Liz Truss ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in ay noqon doonta qofka badali doona Boris Johnson kadib markii ay heshay taageerada murashixiin kale oo kula tartamayay xilka.
Truss ayaa heshay taageerada dhowr musharax oo codad ku filan heli waayay kana haray tartanka kuwaas oo uu ugu dambeeyay Tom Tugendhat oo ka mid ahaa siyaasiyiintii kula tartameysay hogaanka xisbiga iyo xilka ra’iisul wasaaraha.
Tom Tugendhat ayaa sheegay in Truss ay tahay “shaqsi u qalma” in ay noqoto ra’iisul wasaaraha UK.
“Truss waxay leedahay waayo-aragnimada arrimaha dibadda ee uu dalkeenu u baahan yahay in uu ku sameysto saaxiibo iyo isbaheysi caalami ah si aan u ilaalino danaha iyo amaanka dalkeena.”
Tom Tugendhat
Taageerada Tom Tugendhat ayaa la aaminsan yahay in ay dharbaaxo culus ku tahay Rishi Sunak oo ah murashaxa kale ee la filan karo in uu noqdo ra’iisul wasaaraha Ingiriiska.
Inkastoo go’aanka natiijada ugu dambeysa ay leeyihiin xubnaha xisbiga oo la filayo in tiro ku dhaw 180,000 ay dhiiban donaan codkooda, hadana ra’yi uruurin hordhac ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in Truss ay ku horeyso ra’yi uruurinta la sameeyay.
Truss ayaa sidoo kale todobaadkan taageero ka heshay Xoghayaha Difaaca Ben Wallace, kaas oo xubnaha xisbigu ay aad ugu qadariyaan sida uu u maareeyay jawaabta Britain ee dagaalka Ukraine. Wallace ayaa sheegay in uu ku taageeray Truss khibradeeda iyo waayo-aragnimadeeda xagga arimaha dibadda iyo doorkeeda diblomaasiyadeed ee ay dalka ugu soo adeegtay.
Ballanqaadyada Truss
Ballanqaayada ugu waaweyn ee ay Truss ballan qaaday waxaa ka mid ah in ay dhimi doonto canshuurta caymiska qaranka oo bishii April sandkan kor loo qaaday, iyo in sidoo kale ay baabi’in doonto qorshaha sare loogu qaadayo 25% canshuurta shirkadaha taas oo lagu wado lagu in ay dhaqan gasho sanadka 2023 iyo sidoo kale in ay si kumeel gaar ah u hakin doonto waxa loo yaqaan canshuurta cagaaran (green levy) ee tamarta. Waxay sidoo kale ballan qaaday in ay ku dari doonto kharashka miisaaniyadda difaaca qaranka £23 bilyan illaa sanadka 2030-ka.
Wadarta guud ee cashuur dhimista Truss ay ballan qaaday ayaa lagu qiyaasay £38.5bn sanadkiiba.
Truss ayaa sheegtay in haddii loo doorto xilka ra’iisul wasaaraha ay isla markiiba dhimi doonto canshuuraha si ay u yarayso dhibaatada nololeed ee qiimaha nolosha.
Rishi Sunak
Rishi Sunak oo ah musharraxa ay isku soo hareen Liz Truss ayaa sidoo kale dhankiisa ku naaloonaya taageerada qaar badan oo ka mid ah sharci-dejiyeyaasha xisbigiisa Tory-ga. Waxaa uu u halgamaya sidii uu u hanan lahaa kalsoonida cod-bixiyayaasha xisbiga iyo saaxiibadiisa kale ee siyaasadda. Sunak oo ka mid ah ragii soo dedejiyay is-casilaaddii Boris Johnson ayay saaxiibadiisa aaminsan yihiin in uu leeyahay khibrad iyo xirfad uu ku hogaamin karo shaqada ugu sarreysa ee dalka. Waxaa uu shacbiyad ballaaran ku dhex leeyahay taageerayaasha xisbiga ee aan codkooda dhiiban karin, inkastoo aan dhanka kale la dhayalksan karin taageerada uu ku dhex leeyahay xubnaha xisbiga ee codeyn kara.
Waxaa uu Truss ku eedeeyay in ay sameysay ballanqaadyo aan dhab ahayn, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha. Waxaa uu weerar toos ah ku qaaday qorshaha Truss ee canshuur dhimista. Waxaa uu sheegay in qorshaheedu uu yahay mid aan dhaxal gal aheyn oo dab ku sii hurinaya sicir bararka dalka oo gaaray heerkii ugu sareeyay muddo 40 sano ah.
Ballanqaadyada Sunak
Sunak ayaa ku doodaya in ay muhiim tahay in marka hore la xakameeyo sicir bararka ka hor inta aan la dhimin canshuurta. Wuxuu ballan qaaday in uu dhimi doono canshuurta dakhliga ka hor muddo xileedka baarlamaanka xiga. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu dhimi doono 5% canshuurta tamarta ee qoysaska muddo hal sano haddii qarashka qoyska caadiga ah uu kor u dhaafo £3,000. Sunak ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu kordhin doono canshuurta shirkadaha oo uu gaarsiin 25% sanadka 2023 halka ay hadda ka tahay 19%. Dhanka kharashka miisaaniyadda difaaca waxaa uu sheegay in uu u dhaafi doono 2% sida ay hadda tahay laakiin haddii laga fursan waayo uu gaarsiin doono 2.5%.
Rishi Sunak ayaa sidoo kale waxaa uu daaha ka qaaday qorshayaal loogu dhimayo ku tiirsanaanta Britain ee dekedaha Faransiiska si wax looga qabto dhibaatooyinka sare u kaca qiimaha badeecadaha ee kasko dega dekadahaas isla markaana shaqo abuur loogu sameeyo dadka aan shaqada heysanin.
Maxay isku aragti ka yihiin?
Liz Truss iyo Rishi Sunak ayaa siyaasad ahaan isku aragti ka ah arimaha soo galootiga qaxootiga. Waxay sheegeen in ay xakameyn doonaan soo galootiga sharci daradda ah isla markaana ay wax ka badal ku sameyn doonaan hanaanka loo maamulo qaxootiga, iyadoo Truss ay sheegtay in muhaajiriinta soo gala UK loo gudbin doono dalalka dunnida saddexaad inta la qiimeynayo codsigooda.
Go’aanka cod-bixiyayaasha
Hogaamiyaha xiga ee xisbiga midigta ee Konserfatifka isla markaasina noqon doona ra’iisul wasaaraha UK, ayaa lagu dhawaaqi doonaa 5-ta bisha Sebtember kadib marka ay xubnaha xisbiga u codeeyaan. Sunak iyo Truss ayaa midkood badali doona Boris Johnson oo muda seddex sano ah joogay xafiiska.