Khasaare aan weli la shaacin ayaa ka dhashay rasaas lagu furay arday maanta ku bannaanbaxday ilinka hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.
Ardaydan oo maalmihii ugu danbeeyey ka soo muuqanayey warbaahinta ayaa ka cabanayey maamullada iskuuladii ay dhigan jireen, oo aan u diiwaan gelin dowladda, taas oo keentay in ay ka haraan imitxaanka shahaadiga ee maanta loo fariistay.
Intii uu bannaabaxa socday, arydada ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay dhagaha ka fureysatay baaqooda, waxaana bannaanbaxa uu isku badelay mid rabshad wata, taas oo keentay in ay ciidamadu adeegsadaan rasaas nool nool.
Ciidamada ardayda rasaasta ku furay ayaa waxaa ku jira, Kuwa ATMIS ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, oo xilligii dibadbaxa marayey wadada xiriirisa ISgoysyada KM4 ilaa KM5.
Wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdulqaadir oo maanta hadlay ayaa soo hadal qaaday walaaca ay wajahayaan ardaydan, isagoo xusay in arrintooda si hoose loo xalin doono.
WQ: Ayaanle Qoyste