Raila Odinga oo markii shanaad isu soo taagay xilka madaxtinimada dalka Kenya ayaa ah shaqsi taariikh ku leh siyaasadda Kenya, isagoo muddo tobanaan sano ah mucaarad ku ahaa dowladda ka hor inta aysan isku soo dhowaanin isaga iyo madaxweynaha talada kasii dagaya Uhuru Kenyata.
Raila Odinga oo ah rug-cadaa ku gaboobay siyaasadda ayaa iminka da’diisu ay tahay 77 sano jir. Waa fursadii ugu dambeysay ee uu ku gali lahaa aqalka looga arimiyo dalkaasi. Waxa uu muujiyay hammi iyo go’aan adag intii uu kusoo jiray siyaasadda, isagoo ku muteystay dhabar adeygiisa siyaasadeed in uu noqdo maxbuus siyaasadeed.
Wuxuu baarlamaanka galay sanaddii 1992-dii, waxa uuna tiro afar jeer ah ku guuldareystay madaxtinimada dalkaasi sanadihii 1997, 2007, 2013 iyo 2017. Guuldarooyinkaasi isdaba joogga ahaa ee uu kala kulmay siyaasadda ma aheyn kuwo ka niyad jebiyay hammigiisa siyaasadda ee ah in uu mar uun ka noqdo madaxweyne dalkiisa. Wuxuu marar badan ku andacooday in isdaba-marin iyo khiyaano lagu sameeyay gaar ahaan saddexdii doorasho ee ugu dambeeyay.
Is-gacan qaadkii Uhuru iyo Raila
Waxay aheyd dhacdo siyaasadeed oo taariikhda gashay isla markaana lama filaan aheyd kadib markii bishii Maarso 2018 ay Odinga iyo Kenyata is-gacan qaadeen, dhacdadaas oo si weyn dalka Kenya looga yaqaan “The handshake”. Heshiiskan ayaa ka careysiiyay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, waxaana ay taasi keentay in isaga isaga madaxweyne Uhuru ay noqdaan cadow soke oo siyaasadda ku hardama.

Odinga waa wiil uu dhalay madaxweyne ku xigeenkii koowaad ee dalka Kenya, halka Uhuru Kenyata uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya.
Ballanqaadyada Raila
Raila Odinga waxa uu ballan qaaday in uu meesha ka saari musuqmaasuqa baahsan, isla markaana uu siin doono dadka shaqo la’aanta ah lacag bil kasta ah, waxa uu sidoo kale ballan qaaday in uu bixin doono daryeel caafimaad iyo waxbarasho lacag la’aan ah oo dhammaan loo wada siman yahay.
Rajadii ugu dambeysay
Raila Odinga iyo taagerayaashiisa ayaa aaminsan in ay ku guuleysan doonaan doorashada dhaceysa maalinta beri ah ee 9-ka Ogoosto taas oo ka dhigan rajaddii iyo tikidkii ugu dambeeyay ee ay ku xaqiijin lahaayeen in 77-jirkan ay mar uun u rumoowdo riyadiisii mudada dheer uu ku taamayay.
Axmed Dhaqane, Nairobi