Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo kulan la qaatay culamaa’udiinka Soomaaliyeed isagoo ka dhageystay tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku aadan soo dhisidda xukuumad tayo leh oo loo wada dhan yahay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay go’an tahay soo dhisidda xukuumad tayo leh oo si degdeg ah uga samatabixisa dhibaatooyinka heysta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la kulmay ururrada bulshada rayidka iyo dhalinyarada – kuwaas oo usoo jeediyay talooyin wax ku ool ah – iyaga oo sheegay inay gacan siin doonaan dowladda cusub.
Maxamed Xuseen, Hortabin Media