Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha gudaha iyo caalamkaba in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dedaal ugu jirta soo jiidashada iyo dhiirigalinta maalgashiyo caalami ah, si kor loogu qaado wax soo saarka dalka, taas oo horseedi karta isku filnaansho dhaqaale oo waara.
Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in degenaansho la’aanta iyo colaaddaha ka jiray dalka ay horseedeen in laga faaiideysan waayo kheyraadka dalka. Isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in lala ganacsado oo lala faai’ideysto, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka.
Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda F. Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha.
TRENDING
- Qormo: Dhulboobka Muqdisho iyo tacadiyada loo geysanyo rayidka
- Ruushka oo dhaq-dhaqaaqyo xoogan uga jawaabay caddaadisa dhaqaalle ee uga imanaya Yurub
- Ruushka iyo Venezuela oo heshiis iskaashi kala saxiixday
- Xaaladda guud ee siyaasadda Gaza iyo Israa’ii oo weli fulineysa duqeymo
- Khasaare xoogan oo ka dhashay dagaallada ka socda Waqooyiga gobolka Darfur ee Sudan
- Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo lagu arkay xeebaha Venezuela
- Duqeymaha ay diyaaradaha shisheeye ka fuliyaan Soomaaliya oo waxyeelo badan gaarsiiyey rayid
- Canbaareynta ONLF ee Xarig jarka Mashruuca Gaaska Dabiiciga ah dagaal cusub ma horseedi kartaa?

