Waxaa maanta Galmudug ku kulmay Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cali Jayte Cismaan oo dhawaan loo magacaabay u qaybsanaha madaxweynaha dowlada Soomaaliya ee ciidanka macawiisleyda Soomaaliya.
Cali Jeyte iyo Qoor Qoor kulankooda ayaa daarnaa, sidii loo dar dar galin lahaa dagaalka ka dhanka Al Shabaab, iyadoo door muuqda la siinayo ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan Galmudug.
Waxey labada masuul isku raaceen sidii loo mideyn lahaa cududa ciidamada Macawiisleyda Galmudug iyo kuwa Hirshabelle, si dagaalka muddo kooban loogu soo afjaro.
Kulanka labada nin ayaa waxaa ahmiyad gaar ah u yeelaya dagaalka xooggan ee ka socda maamullada Hirshabelle iyo Galmudug, kaas oo looga soo horjeedo Al Shabaab.