Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay sida ay kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka heer Federaal u kala qaybsanayaan Ismaamullada uu ka kooban Dalkaas iyada oo tiro yar la siiyay Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Kuraasta ugu badan waxaa la siiyay Ismaamulka Oromada oo uu kasoo jeedo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, halka Dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka wayn Tigree la siiyay kuraas ka badan DDS.
Tirada guud ee Kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ayaa ah 547, kuwaas oo ka kala imaanaya 14 Ismaamul oo guud ahaan Dalkaas ah, waxaa lagu kala badsaday saamiga iyada oo la sheegay in dano siyaasadeed ay ku lifaaqan tahay arrintaasi.
Shaqada Baarlamaankaan oo metala Ismaamullada ku dhisan Nidaamka Federaalka Itoobiya ayaa ah ansixiyaan sharciyada, miisaaniyadda iyo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha waana tan keentay in uu Abiy Ahmed uu kuraasta u badiyo Qowmiyaddiisa.
