Wafdi ka kooban Madax, quburo iyo Injineero ka socday Dekaddaha dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalo xeebeedka Hobyo .
Quburadaan iyo masuuliyiin la socda ayaa maalmaha ay joogaan waxay qiimayn ku samayn doonaan meelaha loo qorsheeyey in laga hirgaliyo dhismaha Dekadda Hobyo.
Guddiga Gacanta ku haaya dhismaha Dekedda ayaa sheegay inay sanadkaan bilaabayaan Dhismaha Dekedda si ay kaalin weyn uga qaadato kobaca dhaqaalaha ee deegaanada Galmudug.