Sara u kac xoogan oo dhanka khudaarta ah ayaa laga dareemayaa suuqyada magaalada Muqdisho, sababo la xiriira roobabka deyrta oo saameeyey dalagyadii soo go’i jiray.
Waxaa yaraaday khudaarta loo iib keeno magaalada Muqdisho, taas oo ka soo go’i jirtay Shabeelooyinka iyo gobolkada koonfurta Soomaaliya, waxaana loo aaneynayaa saameyn ay roobabku ku yeesheen dalagyadii Beeraha.
Waxaa cirka galay qiimaha khudaarta nooc kasta, waana arrin wal wal xoogan ku abuurtay dhamaan shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ee Muqdisho.
Waxaa sidoo kale adag in gawaaridii lagu daabulay dalagyadii hore usoo go’ay ay soo gaaraan Muqdisho, sababo la xiriira marinka oo ay gooyeen roobabkii dhawaan da’ay.
Roobabka deyrta oo la filayo in ay sanadkan si xowli ah u da’aan ayaa saameyn tan iminka ka ballaaran ku yeelan karta dalagyadii ka soo go’i jiray beeraha dalka, waxaana xaalad halis ah ay soo food saari kartaa Shacabka ku sugan caasimada iyo labada Shabeelle.