Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile.
Qaraxan oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Muqdisho, ayaa waxaa lagu fuliyey gaari nooca raaxad ah.
Ka hor inta aanu qaraxa dhicin, ciidamada ayaa waday baaritaan, waxaana gaariga qarxay uy ku jiray safka, halka ciidamadu ay qorsheynayeen in ay baaraan.
Muqdisho, waxaa maalmihii ugu danbeeyey ku soo badanayey falalka amni darada, xilli magaalada ay leedahay ciidamo gaar ah oo xaqiiniga amnigeeda.