Maamulka Goboleedka Puntland oo saameyn xooggan ku leh dagaalka ka socda gobolka Sool ayaa loogu baaqay in ay door nabadeed ka qaadato colaado halkaasi ka oogan.
Baaqan oo ka yimid Qaramada Midoobay ayaa Puntland lagu faray in kaalin weyn ka qaadato sidii loo soo afjari lahaa dagaalka gobolka Sool, isla markaana la isugu soo dhaweyn lahaa Khaatumo iyo maamulka Somaliland.
Ereygeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Liang, ayaa booqosho ku tagtay Garoowe, ayaa hadalkaasi ku dhibcisay dhagta maamulka Puntland.
Ms. Catriona Liang ayaa ka digtay dagaalka marka labaad ku soo laabtay duleedka gobolka Sool, waxeyna soo jeedisay in colaado lagu xaliyo wada hadal, kaas oo ay gar wadeen ka noqoneyso Puntland.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa carabka ku dhufata in colaada soo cusboonaatay ay saameyn ku yeelan karto dadka rayidka ah, waxeyna Puntland uga mahadcelisay sidii ay usoo dhaweeyeen dadkii kal hore ka barakacay Laascaanood, kuwaas oo gaarayey in ka badan 100,000 oo rayid ah.
SSC Khaatumo iyo Somaliland ayaa mar kale todobaadkii aynu ka soo gudubnay ku dagaallamay duleedka gobolka Sool, waxaana dagaalkaasi ku geeriyooday dad ka badan 20 qof oo ay ku jireen kuwo rayid ah oo aan waxba galabsan.