Maamulka Puntland ayaa waqtigan ku hor-gudban in guullo laga gaaro hannaanka deyn cafinta ee Soomaaliya, oo soo jiitamayey muddo dheer.
Maamulka oo khilaaf culus uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ayaa dhawaan warqad ku qotonta arrimaha deyn cafinta u diray hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka.
Warqadaas ayey Puntland ku codsatay in la hakiyo hannaan deyn cafinta Soomaaliya sida idaacadda BBC u sheegay Wasiirka maaliyadda maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Dhabancad.
Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa xusay in muhiimada la saaro, sidii Soomaalida uga heshiin lahayd arrimaha dhexdooda ah, si loo ambaqaado dadaalada kale ee dalka wax ku kordhinaya.
Wuxuu Wasiirku dowladda fedraalka ku eedeeyey, in ay dibindaabyeyneyso maamulada, taas oo saameyn dhaqaale ku yeelan karta dalka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba tallaabada ay Puntland qaaday ayaa cuuryaamineysa dadaaladii ay dowladda ugu jirtay in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo ah kuwa aad u fara badan.