Waxaa gacanta lagu soo dhigay nin ka mid ah kooxdii burcad badeeda ahayd ee kal hore afduubatay Markabka MV Abdalla, kadibna qaatay lacagta madax furashada.
Ninkan ayaa la soo qabtay kadib howlgal ballaaran oo ay ciidamada Puntland ka sameeyeen magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.
Ninka la soo qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Suufi Rasaas, waxaana Puntland ay sheegtay inuu hore uga soo qeyb qaatay weeraro burcad badeednimo oo lagu qaaday maraakiib kala duwan.
Ninkan ayaa maalmihii ugu danbeeyey ku dhuumaaleysanayey gudaha Garoowe, waxaana lagu soo qabtay howlgal saacado qaatay oo uu hoggaaminayey Taliyaha Qaybta Booliska G.Nugaal G/Sare Maxamed Ali Axmed(Marduuf).
Toddobaadyadii ugu danbeeyey xeebaha Puntland waxaa ku soo batay kooxaha burcad badeeda ee halkaasi iska abaabulaya, kadibna weeraro ku qaadaya maraakiibta ajnabiga ee mareysa xeebaha Soomaaliya, waxaana inta badan dhacda in ay afduubtaan maraakiibta, kadibna ay qaataan lacag madax furasho ah.