Maamulka Puntland ayaa Dowladda Soomaaliya ku eeddeeyey dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Garoowe, kaas oo geystay khasaare kalan duwan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa, oo warbaahinta la hadlay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya dusha uga tuuray eedda dagaalkii xalay ka dhacay Garoowe.
Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan uu adeegsanayo Khadar Cabdiraxmaan Faroole, oo u ah ergay u qaabilsan inuu rabshado ka kiciyo Puntland, waa sida uu hadalka u dhigay Juxa.
Wasiirka ayaa xusay in weli ay jirto xiisadii arrintaasi ka dhalatay, taas oo saameysay Garoonka Diyaaradaha Garoowe, oo iminka ay isku hor fadhiyaan, ciidamada maamulka iyo kuwa ka amar qaata siyaasiyiinta Saciid Deni ka soo horjeeda.
Dagaalkii xalay, waxaa maamulka Puntland uga geeriyooday labbo askari, sida uu shaaca ka qaaday Wasiir Cabdi Faarax Juxa.
Dagaalkii xalay ayaa billawday, kadib markii ciidamada siyaasiyiinta mucaaridka ay jidka u galeen, kolonyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo galbinayey sanaadiiqda doorashada, oo ay ka soo qaadeen Garoonka Diyaaradaha Garoowe.
Waxaa maanta hakad uu ku yimid howlihii shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Garoowe, mana jirin diyaarad ka ambabaxday iyo mid timid toona, sababo la xiriira xiisada ka ooggan afaafka hore ee Garoonka.
Xiisadan ayaa ka dhalatay doorashada qof iyo codka ah ee gollayaasha deegaanka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Saciid Deni, taas oo ay siyaasiyiinta mucaaridkuna qaadaceen.