(Hortabin Media) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa baaq culus u diray xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya xilli uu furmay kalfadhiga 4-aad ee Barlamanka, kaas oo ay horyaallaan howlo culus.
Maamulka Puntland oo ka hadlayey arrinta la xiriirta dhameystirka dastuurka ayaa sheegay in qorshahaasi laga leeyahay dano gaar ah, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni oo la kulmay golaha wasiirada Puntland ayaa si cad u sheegay in dhameystirka dastuurka aan loo dhameyn, sidiis awgeedna aan lagu deg-degin dhameystirkiisa.
Puntland ayaa Barlamanka Soomaaliya ugu baaqday in aanay qeyb ka noqon hirgalinta danaha gaarka ah, ee ay horboodeyso dowladda dhexe, taas oo daneyneysa dhameystirka dastuurka.
Puntland ayaa sheegtay in haddii la dhameystirayo dastuurka uu u baahan yahay is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran, maaddaama uu yahay heshiis bulsho, sidaa awgeedna ay qalad tahay in dhameystiro iyadoo aanay dhinacyadu isku raacin.
Arrintan ayaa bidhaamineysa heerka uu marayo khilaafka xooggan ee ka dhex aloosan maamulka Puntland iyo dowladda dhexe, kuwaas oo waqtigan wada shaqeyntoodu ay hoos u dhacday.