(Hortabin Media) – Sida ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay Warsaxaafadeed ay soo saartay, waxaa xalay la qaarajiyey nin waday gaari ay ka buuxeen walxaha qarxa.
Howlgalka ninkan lagu dilay ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana howlgalkan fuliyey ciidamada hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya.
Dowladda ayaa soo bandhigtay gaariga uu ka buuxay walxaha qarxa, iyadoo sheegtay in ay fur fureen dhamaan agabkii ku xirnaa gaarigaasi, ee dhalinayey qaraxa.
Dowladda ayaa u mahad celisay shacabka ku nool deegaanka Ceelashada Biyaha, kuwaas oo sida ay xustay soo wargaliyey falka uu ninkan damacsanaa.