Booliska dalka Canada ayaa gacanta ku dhigay Brian Aaron Marbury oo da’diisa lagu sheegay 45- kaas oo ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyey dilka Xaaskiiga Sahra Buulle, taas oo ilaa iyo iminka aan la heynin meel ay jaan iyo cirib dhigtay.
Gabadhan oo ah Soomaali, ayaa la waayey 26-kii bishii aynu ka soo gudubnay, waxaana inkastoo weli uu baaritaanku socdo ay boolisku sheegeen inuu dilkeeda ka danbeeyey sayigeeda Brian Aaron Marbury.
Ninka eedeysanaha ah ayaa la qabtay Isniintii aynu ka soo gudubnay xilli uu marayey kanaalka isku xira Magaalooyinka Windsor iyo Detriot oo ka kala tirsan Canada iyo Mareykanka.
Booliska ayaa tibaaxay in ay hayaan cadeymo lagu kalsoonaan karo, oo tilmaamaya inuu ku lug leeyahay dilka xaaskiisa, waxeyna xuseen in raadinayaan xogo intaasi ka ballaaran, oo bidhaaminaya halka uu meydkeeda yaallo.
Sahra Buulle ayaa ahayd 36 jir, dhiganeysay Jaamacada Windsor, waxaana sayigeeda oo dilkeeda lagu eedeynayo uu ka soo jeedaa gobolka Maraykanka ee Michigan.
Maqnaanshaha gabadhan ayaa wal wal ku abuurtay qoyskeeda, taas oo keentay in hoyadeed Faadumo Kuusow, ay dadka isticmaala baraha bulshada ka dalbato in loo baafiyo gabadheeda, si ay geeri iyo nolol ugu hesho.
Qoyskan ayaa wada joogay muddo ku siman 19 sano, sida ay sheegtay dhibanaha Habaryarteed Ruqiyo Kuusow,taas oo intaasi ku dartay in Sahra ay sheegan jirtay dhibaatooyin badan oo dhanka ninka ay kala kulmeysay, iyaguna ay dhowr mar talla ku siiyeen in ay kala tagaan, balse ay ku gacan seyrtay.
Dalka Canada, waxaa ku soo badanaya dhibaatooyinka loo geysanayo haweenka, gaar ahaan kuwa raqdooda iyo ruuxdooda la weynayo, balse gadaal laga helayo meydadkooda, waxaana toddobaadkan gudihiisa la soo werinayaa maqnaashada 3-hablood.
Sylvia Guenther oo mada ka ah Barnaamijka fulinta ee Hiatus Haouse oo caawiya haweenka xad-gudubyada dumar nacaybka ah ee loo geysto, ayaa tibaaxeysa in xaaladdu ay ka sii dareyso, isla markaana ay kordhayaan haweenka dhibaatooyinka la kulmaya, taas oo ay xustay in lagama maarmaan ay tahay in masuuliyad la iska saaro baajinta kiisaskaas.
WQ: Ayaanle Qoyste