Saacadihii la soo dhaafay waxaa gacanta lagu soo dhigay nin dilay wiil lagu magacaabi jiray Cabdullahi Cali Hudey, oo la dhashay Taliyaha Booliska magaalada Guriceel.
Ninka la dilay oo ay walaalo ahaayeen Taliyaha Booliska Guriceel Cismaan Cali Hudey, ayuu dilkiisa dhawaan ka dhacay bartamaha magaalada Guriceel.
Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay ninka lagu eedeeyey inuu dilkaasi ka danbeeyey, kaas oo lagu magacaabo Cabdisalaam Cali Axmed.
Soo qabashada ninkan dilka ku eedeysan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin iyo Taliyaha NISA ee Galmudug Feysal Caanood, kuwaas oo sheegay in howlgal la sameeyey kadib ay suura gashay soo qabashadiisa.
Waxey sheegeen inuu iminka ku xiran yahay saldhiga Guriceel, ayna wadaan baaritaan, iyagoo intaasi ku daray in ay horgeyn doonaan caddaalada, si waajibkiisa loo mariyo.
Dhawaan ayey ahayd markii Cabdullahi Cali Hudey lagu dilay gudaha Guriceel oo ah halka uu ku soo barbaaray, waxaana dilkiisa si weyn uga carooday dadka magaaladaasi, kuwaas oo sameeyey dibadbax ay ku cabirayaan dareenkooda.