Waxaa degmada Dayniile saacadihii la soo dhaafay lagu dilay nabadoon caan ka ahaa gudaha degmadaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan.
Kooxdii dilka u geysatay nabadoonka ayaa rasaasta uga dhufatay qeybaha sare ee jirkiisa, taas oo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.
Tirada raggan ayaa ahayd 20 nin, oo watay gaari Caasi ah, waxaana ay si toos ah weerarka ugu qaadeen guriga nabadoonka.
Laamaha amniga ayaa tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen raggii falkan ka danbeeyey, iyadoo qaarkoodna la dilay.
Maalmihii ugu danbeeyey gudaha caasimada waxaa ku soo kordhayey falalka lidiga ku ah amniga, waana arrin wal wal ku abuurtay shacabka.