Xaflad ka dhacday magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota, ayaa lagu dhaariyey Naadiya Maxamed oo dhawaan loo doortay duqa magaaladaasi.
Xafladan waxaa ka soo qeyb galay Soomaali aad u tiro badan iyo dad kale oo madax ah, waxaana Naadiya oo 27-jir ah ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleysta tartanka doorashada dalka Mareykana inta la ogyahay taariikhda.
Naadiya ayaa doorashadeeda ka hore aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota.
Madasha lagu dhaariyey waxaa goobjoog ka ahaa Duqii hore ee magaalada St. Loius Park, Jake Spano oo shir guddoominayay kulankiisii ugu dambeeyey ee golaha deegaanka magaaladaas.
Spano wuxuu hoosta ka xariiqay in inuu ku faraxsanayay isbedelka ka dhashay doorashadii bishii Novermber ee sannadkii hore, iyo hoggaanka cusub ee la doortay oo ah Naadiya Maxamed.