Madaxweynayaasha Masar Abdel Fattah Al-Sisi, Eritrea Isaias Afwerki, iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku kulmay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.
Shir madaxeed saddex geesood ah oo ay madaxdan yeesheen ayey diiradda ku saareen xoojinta xiriirka saddexda dal iyo wax ka qabashada amniga gobolka.
Soomaaliya ayaa waqtigan bah wadaag la unkatay dalalka Masar iyo Eritrea, kuwaas oo iyaguna cadaawad adag ay kala dhaxeyso Itoobiya, waxaana qorshahan uu u muuqdaa mid lagu yagleelayo is-baheysi ka dhan ah Itoobiya.
Soomaaliya ayaa sidoo kale qorsheyneysa in Masar iyo Eritrea ay qeyb ka noqdaan howlgalkan cusub ee midawga Afrika ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay si cad u diiday in howlgalkaasi ay qeyb ka noqdaan ciidamada Itoobiya.
Soomaaliya iyo Masar ayaa sidoo kale soo saaray Bayaan wadajir ah waxaana lagu xusay in la isla qaatay arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.
Soomaaliya ayaa itoobiya u qabatay ilaa 31- December si ay uga laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland, balse Addis Ababa weli kama jawaabin arrintaasi, taas oo muujineysa in ay weli u hanqal taageyso biyaha Soomaaliya.
Kulanka ayaa imanaya ayada oo ay jirto xiisadda kacsan ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa oo aad u xumaaday bilihii ugu danbeeyey.
Si Kastaba Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa dhisi kara is-baheysi guuleysta, kaas oo u babac dhigi kara Itoobiya, keenina kara in ay itoobiya ka tanaasusho faragelinta ay ku heyso siyaasadda Soomaaliya iyo hankeeda ku wajahan biyaha Soomaaliya.