Maamulka Jubaland ayaa gudaha gobolka Gedo ka billaabay abaabul lagu xoojinayo amniga waxaana halkaasi iminka booqasho ku jooga Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa si rasmi ah ugu sugan degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, wuxuuna halkaasi ka wada kulmo iyo wadatashi ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa amniga degmada Ceelwaaq oo ay dhawaan la wareegeen ciidanka dowlad-goboleedka Jubbaland.
Muhiimada qorshahan ayaa lagu macneeyey sidii ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen ciidamada amniga iyo dadka deegaanka, maaddaama ATMIS ay faarujinayaan fariisimadii ay kaga sugnaayeen Gedo.
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland oo la hadlay warbaahinta ayaa shacabka Gedo kula dardaarmay in ay ciidamada la shaqeeyaan, isla markaana ay si wadajir ah u ilaashadaan amaankooda.
Abaabulkan ayaa ku soo aaddaya, xilli Al Shabaab bilihii ugu danbeeyey ay weeraro joogta ah ku soo qaadayeen gudaha Gedo, waxaana kooxda ay qal qal amni ku heysaa gudaha gobolkaasi.