(Hortabin Media) Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan Muqdisho ku kala saxiixday, heshiis lagu caawinayo Soomaaliya, kaas oo ka hirgalaya deegaanada laga saaray Al Shabaab.
Heshiiskan ayaa Soomaaliya looga qodoyaa Ceel-biyoodyo, waxaana laga fulinayaa meelaha laga saaro Al Shabaab, halkaas oo dadka ku nool ay xaalad halis ah wajahayaan.
Inta uu heshiiskan socda Imaaraadka ayaa hadba deegaanka laga saaro Al Shabaab ka qodaya Ceel-biyoodyo ay ka cabaan dadka iyo xoolaha ku nool deegaanada laga xoreeyo Al Shabaab.
Heshiiskan oo dhowr nuqul ka kooban ayaa waxaa saxiixay safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Al-Rumaithi, kaas oo kulan la qaatay madaxda hay’ada maareynta masiibooyinka Soomaaliya.
Gudoomiyaha hay’ada SODMA oo madasha ka hadlay ayaa ka mahad-celiyey taageerada dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo muhiimad gaar ah u leh, dadka ku sugan deegaanada la xoreeyey iyo kuwo la xoreyn doono bilaha ama sanadaha soo socda.
Imaaraadka Carabta ayaa qeyb ka ah dalalka taageera Soomaaliya, wuxuuna gudaha dalka ka hirgaliyey dhowr mashaariic, isagoo Soomaaliya ka caawiya dhanka dhisida iyo qalabeynta ciidamada.