Xilli Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu si kulul u eedeeyey maamulka Jubaland, ayaa waxaa hadalka Ra’iisul wasaaraha ka fal celinaya qaar ka tirsan siyaasiyiinta Soomaalida.
Saacadihii la soo dhaafay Fahad Yaasiin oo hore u ahaa Taliyihii Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland.
Fahad ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Xamse Cabdi Barre uu muujiyey awoodiisa Siyaasadeed, waxaana uu cadeeyey sida Jubaland ay ugu lug xiran tahay Axmed Madoobe, taas oo Jubaland ka dhigtay xarun siyaasadeed oo furan Axmed oo qura.
Fahad Yaasiin ayaa hore u tilmaamay in Jubaland ay tahay halka imtixaanka ugu adag uu ka soo wajihi doono dolwadda dhexe, isagoo marar kala duwan hore u dhaliilay siyaasiga Axmed Madoobe oo hoggaamiya maamulka Jubaland.
Inta badan bulshada Soomaalida ayaa aaminsan in Axmed Madoobe ay dabada ka riixayaan dowaldaha dariska gaar ahaan Kenya, waana arrinta ugu wacan ee ku heysa Kismaayo oo maamulkiisu uu dhaafi la’ yahay tan iyo markii dhidabada loo taagay.