Waxaa saacadihii ugu danbeeyey Hargeysa, iyagoo ku sugan is casilay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliland ee uu majaraha u hayo Muuse Biixi Cabdi.
Wasiirada is casilay ayaa kala ah Wasiir ku-xigeennada wasaaradaha waxbarashada iyo kalluumeysiga, waxaana is casilaadooda ay ku macneeyeen in Somaliland ay u baahan tahay is-badel dhab ah.
arrintan ayaa xaalka ku adkeyneysa Muuse Biixi Cabdi, xilli lagu guda jiro ololaha doorashada maamulkaasi, oo ay doorashadiisu dhici doonto 13 November, waxaana maalmo aad u adag ay xiligan u tahay Muuse Biixi.
Muuse ayaa lumiyey kalsoonida xubnihii ugu dhawaa xisbiga Kulmiye ee uu musharaxa u yahay, waxaana hore garabkiisa u baneeyey xubno muhiim ahaa, kuwaas oo muddo dheer la ahaa jaal siyaasadeed.
Xubnaha is casilay iyo kuwii hore u baneeyey garabka Muuse ayaa aaday dhanka xisbiga Wadani ee uu Hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro, waana xisbiga uu Muuse Biixi kala kulmaya loolanka ugu adag, marka loo bar bar dhigo Xisbiga UCID ee uu hoggaamiyo Feysal Cali Waraabe.