(Hortabin Media) – Musuq maasuq ba’an ayaa xilligan hareeyey kiisaska madaniga ee la geeyo Maxkamadaha ku yaalla gudaha Muqdisho, xilli dowladdu ay dagaal kula jirto masuq maasuqa.
Qaar ka mid ah Shacabka u doonta garsoorka, ayaa sheegaya in ay la kulmeen musuq baahsan oo ka jira Maxkamadaha gobolka, kuwaas oo dhaqaalle ku xujeynaya muwaadiniinta.
Waxaa kale oo jira dhaqaalle si hoose loo dhiibo, kuwaas oo laga qaado labada qof ee is haya midkooda, waxaana garta loo xukminayaa midka jeebka buuran, ee bixiya laaluushka.
Caqabadan ayaa ku soo aaddeysa, xilli gudaha caasimada ay ka socoto dacwado la xiriira eedo musuq ah, kuwaas oo ay xeer ilaalintu ku soo oogtay masuuliyiin ka tirsan dowladda.
Soomaaliya sanado badan waxaa adkeyd in muwaadiniintu helaan caddaalad sugan, waxaana hay’adaha garsoorka hareeyey musuq iyo wax is daba marin, walaac ku abuurtay bulshada.