Mustafa Cagjar Madaxweynaha dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka hadlay hadal maalmahan ay isla dhex marayeen qaar ka mid ah bulshada dowladda deegaanka, kuwaas oo badankood diidanaa in ay yihiin Itoobiyaan.
Cagjar ayaa sheegay in hadal heyntan looga dan leeyahay in lagu suura-xumeeyo xukuumadda uu hoggaamiyo, wuxuuna si kooban uga hadlay doodaha sheegeysa in shacabka dowladd deegaanka aanay ahayn dad Itoobiyaan ah.
Mustafe ayaa carabka ku dhuftay in qofkii ku nool dowlad deegaanka Soomaalida ee yiraahda Itoobiya kama tirsanina uu jahwareersan yahay, maadaama shacabka deegaanka iyagoo Soomaali ah ay haddana kamid yihiin dalka Itoobiya, waa sida uu hadalka u dhigay.
Mustafa Cagjar ayaa soo saaray qoraal kooban, kaas oo aad ka akhrisan karto qeybta hoose.
“Inkasta oo sawaxan iyo jaahwareerin badan oo looga goleeyahay suuraxumeeynta Xukuumadda Isbadalka ee DDS iyo u xilqarinta nidaamkii dad-qalatadda ahaa ee ay badashay uu si joogta ah isaga socdo, hadana waxaan muran ku jirin in maanta Deegaanka Soomaalida uuna jirin qof lagu qasbo inuu ku hadlo wax uuna raali ka ahayn.
Waxaa hubaal ah in afkaaro kala duwan oo qaarkood lid isku yihiin lagaga dhawaaqo magaaladda Jigjiga dhexdeeda, oo Xorriyadda hadalku ay taaba-gashay.
Shacabka Deegaanka Soomaaliddu waa Soomaali. Waana Soomaali ka tirsan dalka Itoobiya maamul ahaan. Ciidii tidhaa Soomaali manihina way qaldan tahay; cidii tidhaa Itoobiya kama tirsannina way jaahwareersan tahay.
Shacabka DDS, Shacabka Soomaaliyeed ee kale meel kasta oo uu ku nool yahay waxay u hayaan wanaag iyo abaal”.