Mudooyinkii ugu danbeeyey wuxuu dhisme dib u dayactir ah ka socday wadada Kacaan ee isku xirta degmooyinka hodan iyo howl wadaag, kadib bur bur xooggan oo ay u geysteen roobabkii gu’ga ee da’ay.
Dhismaha wadadan dib u dayactirka wadadan ayaa waxaa iska kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkada Dahabshiil Group, kuwaas oo maanta si wadajir ah u daah furay.
Howsha dib u dayactirka wadadan oo billaabatay dabayaaqadii bishii April ee aynu ka soo gudubnay, waxaa ka mahad celiyey darawalada gaadiidka iyo kuwa mooto bajaajta oo ay caqabad adag ku heysay maristeeda.
Masuuliyiintii u hadashay Shirkada Dahabshiil, ayaa sheegay in ay sii wada doonaan howlaha ay ku garab istaagayaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ganacsatada kale ugu baaqay in ay kaalin ka geystaan adeegyada bulshada.
Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa isna ka mahad celiyey doorka ay Dahabshiil ka ciyaartay dib u dhisida wadadan, wuxuuna Shirkada ku dhiira galiyey in aanay ka caajisin howlaha sama falka ee lagu soo celinayo bilicda caasimada.
Wadadan ayaa ka mid ah marinada muhiimka u ah isku socodka caasimada Muqdisho, waxaana xusid mudan in dhowr jeer ay cabasho arrintan ka soo gudbiyeen darawalada gaadiidka, kuwa mootooyinka iyo shacabka deggan xaafadaha ku teedsan wadadan.