Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan la wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, oo ka mid ahayd goobihii ay AL Shabaab ku sugnaayeen mudadda dheer.
Ciidamada ayaa qabsaday Ceeldheer, iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmin kooxda Al Shabaab, oo ka carartay degmada markii ay ogaadeen gulufka dowladda.
Saraakiisha ciidamada dowladda gaar ahaan Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ay si buuxda gacanta ugu hayaan Ceeldheer.
Degmada Ceeldheer ayaa ka mid ah deegaanada istaraatiijaga ah ee ku yaalla gobolka Galgaduud, waxaan qabsashada ciidamadu ay noqoneysaa fursad kale, oo niyad jab ku ah argagixisada.
Ciidamada dowladda ayaa waqtigan looga baahan yahay in ay ku fara adeegaan gacan ku heynta degmadaasi, isla markaana aanay ka soo bixin, si uu howlgalka hore ugu socdo.