Maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya dowladda Soomaaliya ayaa ku dhiiraday inuu billaabo dhismaha dekadda Magaalada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dekadda laga dhisayo magaalada Baraawe oo ah magaalo qadiimi ah, isla markaana leh taariikh ganacsi oo fog, kuna taalla goob istaraatiiji ah, ayaa guullo la taaban karo u horseedi karta maamulka Koonfur Galbeed, oo xilligan baahi badan u qaba.
Dekadda ayaa maamulka ka caawineysa in ay yeeshaan il dhaqaalle, oo lagu maareeyo howlaha ugu muhiimsan ee horyaalla Koonfur Galbeed, taas oo ay ugu weyn tahay helida miisaaniyadda ay ku dabarayaan hay’adaha kala duwan ee maamulka.
Dhismaha dekaddan ayaa sidoo kale kaalin aad u ballaaran ka qaadaneyso, soo kabashada iyo kobaca dhaqaalaha dalka, maaddaama ay ka soo xaroonayaan dhaqaalle fara badan.
Dhismaha Dekadda Baraawe oo si weyn loo soo dhaweeyey, ayaa waxaa shalay si wadajir ah u dhagax dhigay Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Masuuliyiintan ayaa dadka deegaanka iyo ganacsatada ugu baaqay in ay door muuqda ku yeeshaan dhismaha Dekadda Baraawe, taas oo sida la rumeysan yahay wax badan ka baddelaysa dhaqaalle yarida uu maamulku la daalaa dhacayo.
Maamullada dalka ee aan lahayn dekaddaha, ayaa isku dayaya in ay deegaanadooda dhaca xeebaha ka yagleelaan dekaddo, wax ka baddela hannaanka dhaqaale ee soo gala xafiisyadooda, kuwaas oo iminka aad u kooban, isla markaana keenta in ay dowladdo shisheeye gacan hoorsadaan.
WQ: Ayaanle Qoyste