(Hortabin Media) –Toddobaadkan waxaa dib loo furay bangiga keydka dhiiga Soomaaliya, kaas oo 30-kii sano ee la soo dhaafay aanan shaqeynin, sababo la xiriira xaaladda uu dalku ku jiray.
Dib u yagleelida Bangiga keydka dhiigga Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya waqti muhiim ah, oo ay muwaadiniintu u geeriyoonayaan dhiig la’aan.
Haweenka uurka leh, iyo caruurta dhiig la’aantu heyso, ayaa dhibaato badan arrintan ka mudan jiray, waxaana tiro beelay sanadihii la soo dhaafay dadka dhiig la’aanta u geeriyooday.
Xilliyada ugu badan ee dhiigga la tabo gudaha Muqdisho ayaa ah marka ay dhacaan falalka amni darrada ah, sida qaraxyada iyo weerarada kale ee ay Al Shabaab ka geysato Muqdisho, kuwaas oo ay wax ku noqdaan dad badan oo rayid ah.
Dib u furida bangiga keydka dhiigga, ayaa waqtigan saamaxaya in la helo nooc walba oo dhiig ah, taas oo hakin karta khatartii ay hore u wajihi jireen muwaadiniinta.
Arrintan waxaa soo dhaweeyey oo mid guul ah ku tilmaamay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka, kuwaas oo sheegay in dib u furida xarunta keydka dhiigga ay ku soo aaddan waqti muhiim ah oo aad loogu baahi qabo.