(Hortabin Media) – Xukuumadda talada heysa ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaridka ayaa ilaa waqtigan isku fahmin doorashada maamulkaasi, oo uu khilaafkeedu cirka isku shareerayo.
Mucaaridka ayaa shalay diiday in ay ka qeyb galaan kulan uu ugu yeeray Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.
Labada Xisbi mucaarid ee kala ah, Wadani iyo Ucid, ayaa Muuse Biixi ku eedeeyey inuu majara habaabinayo doorashadii lagu waday in ay ka qabsoonto Somaliland.
Waxey Sidoo kale ku dhaleeceeyeen inuu maamulka galiyey, xaalad colaadeed oo cakiran, taas oo saan saanteeda laga dareemayo deegaanada Somaliland.
Hoggaamiyayaasha labada xisbi mucaarid ayaa sheegay in aanay ku qanacsaneyn go’aankii guddiga doorashooyinka ee ay ku go’aamiyeen in lasoo hormariyo doorashada ururada, isla markaana dib loo dhigo tan Madaxweynaha.
Mugdi badan ayaa waqtigan hareeyey xaaladda deganaansho ee Somaliland oo in badan nabad galyo ku naalooneysay, waxaana Buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil fariisin ka dhigtay jabhad hubeysan, kuwaas oo weeraro kala duwan halkaasi ka soo abaabula.
Shalay waxey weerareen xarunta ay Hay’ada Miino-baarista ee Hello Trust ku leedahay magaalada Daba-gorayaale ee gobolka Daad-madheedh, iyagoo halkaasi ka kaxeystay labo gaari.
Waxey Sidoo kale lix qori oo AK47- ah ay ka furteen ciidamadii xeradaasi ilaalada ka hayey, iyagoo dhaawacay mid ka mid ah, kaas oo iminka xaaladiisa lala tacaalayo.
Si kastaba, waxaa la xasuusan yahay xaaladda adag ee ka taagan gobolka Sool, oo bulshadiisu ay diidan yihiin ka mid ahaanshaha Somaliland, waxaana laga cabsi qabaa in caqabadahan ay soo afmeeraan jiritaanka Somaliland, oo ah maamul gooni u goosad ah, oo 30 sano aqoonsi caalami ah raadinayey.