Gollaha Wadatashiga ayaa dhawaan go’aan ka gaaray arrimo badan oo masiiri ah, kadib shir Muqdisho uga qabsoomay 24-kii ilaa 27-kii bishii May ee aynu ka soo gudubnay.
Siyaasiyiinta mucaaridka ee kursi doonka ah oo ka horyimid go’aanadii ay gaareen, ayaa heshiiskooda ku duray mid salka ku haya muddo kororsi.
Aragtida Siyaasiyiinta mucaaridka, waxaa mid u dhiganta aaminsan dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda dalka, kuwaas oo sheegaya in madaxdii isku timid 3-ka mid ah uu ka dhacay waqtigii xil heynta, wuxuuna heshiiskan u oggolaanayaa in muddo dheeri ah ay xafiiska sii joogaan, si ay u meel mariyaan waxyaabihii lagu heshiiyey.
Sida ay qubbaradu qabaan caqabada ugu weyn ayaa noqon doonto, in iyagoo muddo kordhin sameystay, ay misana ku guuldareystaan hirgalinta arrimaha lagu heshiiyey ee hannaanka doorashada, gaar ahaan nidaamka qof iyo codka ah.
Muhiimada ugu xooggan ee heshiiskan loo gaaray ayey qubbaradu ku macneeyeen damac dhanka kursiga ah, waxaana aad u adkaan doonto in maamullada qaar bulshada deegaanadooda ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah, oo ay dadku ku dooranayaan kuwa siyaasadda ku matalaya.
Dhanka kale sida uu ka dhawaajiyey Madaxweynaha Soomaaliya heshiiskan ayaa la hor geyn doonaa Barlamanka Soomaaliya, si uu go’aan uga gaaro, waxaase qubbaradu ay sii saadaalinayaan in labada aqal ee Barlamanka aanay wax badan ka baddeli doonin qodobada lagu heshiiyey.
Sababta ugu weyn ee Barlamanku aanu u qaadan karin go’aan ka duwan kii ay gollaha gaareen, ayey aqoonyahanadan ku sheegayaan, inuu ku milan yahay gollaha fulinta, sidii looga bartay Barlamanadii dalka soo maray.
Gees kasta oo laga eego, Baralamanka Soomaaliya oo ah jihada sharciga u leh arrimaha masiiriga ayaa laga filayaa inuu door cad ka qaato go’aan ka gaarista muddo kororsiga ka muuqda heshiiska Gollaha Wadatashiga, ay gaareen, xilli uu madasha ka maqnaa hoggaanka Puntland.
WQ: Ayaanle Qoyste