Mucaaridka Puntland oo mudooyinkii ugu danbeeyey qabanayey kulamo ay uga soo horjeedaan Deni ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo khatar ku ah jiritaanka maamulkaasi.
Mucaaridka ayaa sheegay in haddii la qaban waayo doorashada maamulkaasi, ay qaban doonaan doorasho, taas oo ah arrin aan la filaneynin.
Mucaaridka ayaa dhowr jeer ka digay in dib loo dhigo doorashada maamulkaasi, iyagoo Saciid Deni ku eedeeyey inuu doonayo muddo kordhin.
Waxaa gudaha Puntland ka socota waan waan la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, inkastoo aan la ogayn halka uu xaalku ku biyo shuban doono.