(Hortabin Media) –Mucaaridka Maamulka Puntland ayaa muujinaya wal wal aad u fara badan oo la xiriira arrimaha doorashada maamulkaasi, taas oo uu waqtigan gacanta ku hayo hoggaanka kursiga fadhiya.
Mucaaridka ayaa sheegay in Saciid Deni uu doonayo muddo kordhin, waxeyna ku cel celiyeen in aanay aqbali doonin in uu sameysto wax muddo kordhin ah.
Sidoo kale Mucaaridka ayaa dhaliilay qorshaha la xiriira doorashada qof iyo codka ah, ee uu doonayo Saciid Deni in laga qabto Puntland.
Waxey Sheegeen in Puntland aanay weli u diyaar garoobin doorasho qof iyo cod ah, waxaana qorshaha Deni ay ku macneeyeen mid salka ku hayo muddo kordhin, keeneysa inuu kursiga ku sii fadhiyo.
Is faham waaga doorashada Puntland, ayaa hore u saameeyey Barlamanka maamulkaasi oo ilaa waqtigan u kala jaban labbo garab, kuwaas oo la kala safan dhinacyada is haya.