Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland ee kursi doonka ah ayaa ka soo horjeestay guddi uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi Saciid Cabdulaahi Deni.
Guddigan oo loo xil saaray ansixinta iyo xallinta khilaafaadka golaha wakiillada, ayey mucaaridku ku tilmaameen mid aan dhex dhexaad ahayn, oo ku shaqeynaya aragtida Saciid Deni.
Sida uu warbaahinta u sheegay Faarax Cali Shire oo ka tirsan mucaaridka Puntland, xubnaha guddiga ayuu ku tilmaamay in ka tirsan yihiin xisbiga Kaah ee uu hoggaamiyo Deni.
Wuxuu xusay in magacaabista guddigan aan cidna laga talla galin, isagoo tilmaamay in aanay aqbaleyn in guddigan uu howshiisa sii wato.
Maalmo ka hor ayey ahayd markii go’aan rasmi ah laga gaaray khilaafkii dhanka doorashada ee Puntland, iyadoo lagu ballamay in 66-ka xildhibaan ee Barlamanka Puntland ay 8 Janauary, doortaan hoggaanka maamulkaasi.