Midowga Yurub ayaa €13.5 Milyan ku shubay qasnadda dowladda taas oo qayb ka ah €92.9 Milyan oo loogu talo galay taageerada miisaaniyadda dowladda iyo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ee uu Midowga Yurub maalgelinayo.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann, ayaa tiri: “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan muujiyay sida ay uga go’an tahay in uu wax ka beddelo siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Tani waxay saldhig u tahay wada shaqayn wax ku ool ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Sidaa darteed waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in maanta ay noo suurtagashay in aan dib u bilowno hawlihii taakulaynta miisaaniyada. Tani waa qayb ka mid ah ballanqaadkeenna ah inaan taageerno dadaallada kobaca loo dhan yahay ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimada.”
Taageerada tooska ah ee EU-da ee miisaaniyadda federaalka ayaa ah mid looga golleeyahay in lagu taageero hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya (NDP-9) iyo dib-u-habaynta nidaamka dhaqaalaha ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay gaarto heerka deyn cafinta ee Hindisaha Waddamada Faqiirka ah ee deymaha leh (HIPC) loogu talo galay. Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda ka heshay barnaamijkan lacag gaareysa 71.9 milyan oo Yuuro.