Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta billawday dhageysiga dacwad loo heysto eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay hore ugu xukuntay dil toogasho ah.
Ninkaan ayaa lagu eedeeyey kiis ah inuu gubay xaaskiisii oo lagu magcaabi jiray Luul Cabdicasiis taas oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray sida la sheegay dab uu qabadsiiyey aqalkii ay ku wada noolaayeen.Abuukaate Cali Xalane oo ah Qareenka eedeysanaha oo ugu horeyn maxkamada ka hadlay ayaa ku dooday in xukunkii hore ee maxkamada gobolka banaadir uu baal marsanaa sharciga, wuxuuna dalbaday in maxkamadu aqbasho asbaabta racfaan qaadashadooda kiiskan.
Dhanka kale xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda soomaaliya yaxye maxamuud saciid ayaa maxkamada isna ka codsaday in ay ayido xukunkii hore oo aan la aqbalin racfaan qaadashada ay dalabanayaan qareenada eedeysanaha.
Gudoomiyaha maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed ayaa ugu danbeyn fadhiga xiray, isagoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan la soo mudeyn doono fadhiga kan maanta xiga.
Dhamaadkii bishii janauary ee sanadkan ayey ahayd markii kiiskan uu ku eedeysan yahay sayid cali ee ah inuu gubay xaaskiisa uu ka dhacay guri ku yaalla degmada dharkeenleey,ee gobolka banaadir waxaana kiiskan uu noqday mid hadla heyn badan ka dhex abuuray baraha bulshada.