(Hortabin Media) – Dhawaan waxaa magaalada Laascaanood tagay Wafdi isugu jiro wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin heer federaal ah iyo kuwa kale oo ka socda dhanka Puntland, waana wafdigii ugu ballaarnaa ee tega gudaha magaalada Laascaanood, tan iyo markii Somaliland laga saaray Goojacadde.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, waxaana sidoo kale qayb ka ah, xildhibaano ay kamid yihiin Bashiir Ameeriko iyo wasiir hore Xamza Saciid Xamza.
Dad badan ayaa is weydiinaya waxa ay soo kordhin karto booqashadan, halka kuwa kale ay ku sifeynayaan mid dhiira-gelin ah, maaddaama ay yihiin dad raadinaya midnimada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore maamulka Khaatumo hoggaamiyayaashiisa kala hadashay dhismaha maamulkan, taas oo ay dowladda Soomaaliya sheegtay in aanu socon karin, marka loo eego hannaanka Fedraalka oo maamulkiiba laga doonayo 2 gobol iyo bar.
Dadka reer SSC Khaatumo ayaa gacanta ku haya hal gobol, kaas oo ah Sool, waxaana adag in ay noqdaan maamul ka mid ah maamullada Soomaaliya.
Somaliland ayaa weli iyaduna wado abaabul ciidan, oo uu qorshihiisu yahay sidii ay Laascaanood gacanteeda ugu soo celin lahayd.
Sidoo kale Puntland oo iminka hab beeleed garab u siineysa SSC, ayaa iyaduna muujineysa rabitaan la xiriira dhul ballaarsi, waana kuwo doonaya in maamulka Khaatumo uu hoos yimaado Puntland, taas oo adag in ay aqbalaan dadka reer Laascaanood oo doonaya maamul madax bannaan.
Si Kastaba xaaladdahan cakiran ee ka oogan Laascaanood, ayaanan la ogayn halka ay ku biyo shuban doonaan, waxaase la rumeysan yahay in mar kale uu dagaal ka qarxi karo magaaladaasi, maaddaama Somaliland ay ku jirto abaabul ujeedkiisu yahay in ay mar kale hanato Laascaanood, oo ay ka arrimineysay muddo aad u fog.