Dhawaan waxaa la filayaa in ay kulan yeeshaan xubnihii midawga musharaxiinta iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kulankaas oo lagu lafa guri doono arrimo kala duwan.
Sida wararku sheegayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waqti badan galinaya qabsoomida kulankaasi, isagoo arrintaasi kala hadlay Madaxweynaha iminka xafiiska jooga Xasan Sheekh.
Xasan Sheekh ayaa wada hadalkii uu la yeeshay Shariif Sheekh Axmed kadib la xiriiray dhamaan musharaxiinta ku mideysan midawgaasi, kuwaas oo si adag uga soo horjeestay heshiiskii gollaha wadatashiga ay wax kaga baddeleen hannaanka doorashada Soomaaliya.
Kulankaasi ayaa intiisa badan lagu faaqidi doonaa, sidii qodobada qaar looga baddeli lahaa heshiiskii ay gaareen gollaha wadatashiga ee ku saleysnaa, in dalka uu u dhaqaaqi doono doorasho qof iyo cod ah.
Waxaa la rajeynayaa in sidoo kale kulankan diirada lagu saaro, habkii xal looga gaari lahaa khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe, oo ah mid koobay wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada dhinac.
Kulankan oo la filayo inuu dhawaan qabsoomo ayaa hakad ugu jiray in muddo ah, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaas oo dalka ku soo laabanaya maalmaha soo socda.
Si Kastaba, Kulankan ayuusan qeyb ka ahayn Madaxweynihii xafiiska baneeyey dhawaan Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kaas oo kal hore taageeray heshiiskii gollaha wadatashiga ee ku wajahnaa in doorasho qof iyo cod ah uu dalka aado.