(Hortabin Media) – Gudoomiyaha gollaha shacabka Soomaaliya Sheekh Aaden Madoobe ayaa kulan la yeeshay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay Soomaaliya Katriona Laing, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray, heerka uu marayo diyaar-garowga wajiga labaad ee dagaalka Al Shabaab, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay taageerada Qaramada Midoobay ay la garab taagan tahay Soomaaliya.
Intii uu kulanka socday Katriona Laing ayaa gudoomiyaha warbixin ka siisay, booqashadii ay dhawaan u tagtay qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, halkaas oo ay kulamo kala duwan kula soo qaadatay madaxda dowlad goboleedyadii ay booqatay.
Ergayga ayaa gudoomiyaha ku boorisay in kaalin wax ku ool ah ay ka qaataan meel marinta war-murtiyeedkii golaha madasha wada tashiga Qaranka, kaas oo wax ka baddal loogu sameeyey hanaanka doorashada Soomaaliya iyo arrimaha kale ee dowliga ah.
Katriona Laing ayaa Gudoomiyaha Barlamaka Aqalka Hoose Aaden Madoobe si cad ugu sheegtay in Qaramada Midoobay ay taageereyso dadaalka ay dowladda ugu jirto la dagaallanka Al Shabaab.
Sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Barlamanka, gebagabadii kulanka Gudoomiyaha ayaa ka mahad celiyey kaalinta ay Qaramada Midoobay ka qaadaneyso, dadaalada lagu soo nooleynayo dowladnimada Soomaaliya.