(Hortabin Media) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shalay booqday furimaha hore ee dagaalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaalle Madaalle, ayaa si gaar ah u booqday furimaha ciidamada dowladda ee deegaanada Nuur-dugle iyo Caddaan Laxey ee Gobolka Shabeelada dhexe.
Safarka Gudoomiyaha ayaa lagu micneeyey mid dhiira-gelin ah, oo muujinaya in dagaalka Al Shabaab uu ka gudbay caasimadda, waana tallaabo bogaadin mudan oo ay soo dhaweeyeen inta badan bulshada.
Gudoomiyaha ayaa goobaha uu tagay kula kulmay ciidamada dowladda iyo xoogaga deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, isagoo kula dar daarmay in ay dar dar galiyaan dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.
Gulufka dagaal ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka, ayaa muujinaya baaxad abaabulka dowladda, waxaana si joogta ah furimaha hore u booqanaya madaxda ugu sareysa dalka, kuwaas oo ciidamada dhiira gelin u sameynaya.
WQ: Ayaanle Qoyste