Shalay waxaa milatariga Somaliland lagala wareegay fariisintii ay kaga sugnaayeen duleedka Laascaanood.
Goojacadde oo ahaa aag dagaal, oo ay in badan fariisin u ahaa Somaliland, ayey la wareegisteeda yeelaneysaa nuxur kale.
In xoogaga SSC ay la wareegaan Goojacadde ayaa ka dhigan, in ay dhimatay rajadii Somaliland ee gobolka Sool, oo ay muddo badan duqeymo ka fulinayeen.
Waxaa Somaliland sidoo kale dhaawac ku noqon kara hubka badan ee lagala wareegay oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka noocyadooda kala duwan.
Geesta kale waxaa caqabad noqon kara saraakiishii Somaliland ee lagu qabtay dagaalka, kuwaas oo ahaa kuwii hoggaaminayey dagaalkii bilaha badan la socday Goojacadde.
Si kastaba lama ogga halka ay xaaladdu ku biyo shuban doonto, waxaase xaqiiq ah in Somaliland ay dhabar jab xooggan kala kulantay Goojacadde, taas oo saameyneysa siyasadii ay ka lahaayeen Gobolka Sool iyo in ay ka sii mid ahaato Somaliland.